Mareykanka iyo Turkiga oo ka wadahadlaya sidii looga hortagi lahaa isku dhac dhexmara

Mareykanka ayaa teega xoogaga Kurdiyiinta

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Mareykanka ayaa teega xoogaga Kurdiyiinta

Turkiga iyo Mareykanka oo goradda isugu jiray wuqooyiga Ciraaq ayaa waxay isku raaceen in la dajiyo xiisadda u dhaxeysa.

Gaashaanbuurta Nato ayaa waxay sheegeen in koox isku dhaf ah ay kulan yeelan doonaan si loo xalliyo farqida dublamaasiyadeed ee labada dhinac u dhaxeeya taasi oo ay ka mid tahay muranka magaalada Manbij.

Turkiga ayaa waxay ku hanjabeen in ay weerari doonaan xoogagga Kurdiyiinta ee Mareykanka gacansaarka la leh kuwaasi oo ku sugan magaalada Manbij.

Xukuumadda Turkiga ayaa kooxdan u aragta koox argagixiso ah.

Ciidamada mareykanka ayaa ku sugan magaaladda Manbij, oo 2016 ay xoogaga Kurdiyiinta (YPG) ay kala wareegeen kooxda IS.

Toddobaadkii aanu soo dhaafnay janaraal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamadiisa ay jawaab ka bixin doonaan weerar waliba oo Turkiga ay taageerayaan oo laagu soo qaado magaalada Manbij.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo hadalkaasi ka jawaabayay ayaa ku hanjabay in Mareykanka ay dharbaaxo kulul ku la kulmi doonaan.