Waa maxay ahmiyadda uu leeyahay shirka ammaanka ee Munich?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waa maxay ahmiyadda uu leeyahay shirka ammaanka ee Munich?

Waxaa maalintii labaad galay shirweynaha sanadlaha ah ee looga hadlo ammaanka ee ka soconaya magaalada Munich ee waddanka Jarmalka.

Madaxda shirkaasi ka qeybgalaysa ayaa waxa ay maalintii koobaad isla soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin sidii lagu soo afjari lahaa dhibaatada ka taagan waddanka Suuriya iyo arrimo kale.

Haddaba si aannu umuurtan u falanqeyno ayaa waxaannu la xiriirnay Cabdiweli Cismaan Garaad, oo ah cilmi baare daraaseeya arrimaha amniga PHD-iina isla cilmigaas ku diyaarinaya, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay ahmiyadda uu shirkan leeyahay?