Soomaalida Mareykanka oo ka walaacsan hubka ay dadka iska sitaan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Mareykanka oo ka walaacsan hubka ay dadka iska sitaan

Dadkii ka badbaaday toogashadii ka dhacday iskuulka ku yaal gobolka Florida ee waddanka Mareykanka kaas oo 17-ka ay ku dhinteen ayaa ka qeybqaatay isu soo bax ay murugo haraysay oo lagu dalbanayay in lagu soo saaro shuruuc adag oo lagu xakameynayo hubka.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin 'Waannu ka daalnay dhibaatada hubka' iyagoo ku qeylinayay "Hubka hala joojiyo!".

Nikolas Cruz, oo ah arday horay u dhigan jiray iskuulka, ayaa qiray inuu qaaday weerrarkii Arbacada.

Haddaba qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka ayaan waydiinnay aragtidooda ku aaddan hubka dadka lagu laayo ee waddankaasi, waxa ay u warrameen weriyaha BBC-da ee waddankaasi Maxamed Xaaji Xuseen Shiine.