Wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland oo sheegtay in uu fashilmay mashruuca xumbo weyne ee Hargeysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland oo sheegtay in uu fashilmay mashruuca xumbo-weyne ee Hargeysa

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha ee Somaliland Saleemaan Yuusuf Cali-koore ayaa markii ugu horeeysay si rasmi ah u caddeeyay inuu fashilmay mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa ee xunbaweyne loo yaqaanno oo dhowrkii sano ee u danbeeyay ay wadday dowladda Imaaraadka Carabtu.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa dhinaca kale sheegay in mashruuca kale ee Midowga reer Yurub maalgeliyeen ee biyo balaadhinta Hargeysa ee Geed-deeble uu isagu hirgalay oo hadda uu marayo meel gebo-gebo ah.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Saleemaan Yuusuf Cali-koore wuxuu u waramay weriyaha BBC ee Hargeydsa Axmed Saciid Cige.