Sharciga hubka oo muran weyn ka dhaliyay dalka Maraykanka

Dadka banaanbaxaya ayaa doonaya in wax laga badalo sharciga hubka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka banaanbaxaya ayaa doonaya in wax laga badalo sharciga hubka

Madaxweynaha Maraykanka ayaa la sheegayaa inuu taageersan yahay qorshaha dib loogu eegayo sharciga hubka dadka la siiyo

Waxaa wax la iska weydiinayaa ogolaanshaha qofka hubka iibsanaya ka hor intuusan hubka gadan oo aan loo sharciyayn

Arrinkan ayaa imanaysa ka dib toogashadii dhowaanta ka dhacday Florida ee dadka lagu laayay

Ardayda iskuulkii dadka lagu laayay ayaa dalbanaya in wax laga qabto xakamaynta hubka dadka loo sharciyeeyo

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegtay in la tixgelinayo dib u eegista sharciga hubka iyo qaabka loo maraba

Sharcigan hadda ka yaalla in aad hub iibsato ayaa ah kaliya in la ogaado macluumaadkaaga iyo inaad leedahay taariiq ahaan dambi aad horay u gashay

Balse sharciga noocaasi ah ayaa dhaliil laga keenay maadaama ay dhacday in hub dad ay haysteen lagu laayay shacab badan.

Tan iyo intii ay dhacday toogashadii Florida waxaa jirray olole ay wadaan senataro xisbiga Dimoqraadiga ka tirsan iyo dad u ololeeyo xakamaynta hubka

Ninka looga shakisan yahay weerarkii Florida Nikolas Cruz oo sagaal iyo tobon jir ah ayaa waxaa ku socdaa baaritaan ka dib markii la sheegay inuu online-ka ku daabacay qoraalo cabsi gellin ah

Sidoo kale dadkii ka badbaaday weerarka iskuulkaasi toogashadu ay ka dhacday ayaa dalbanaya wax kabadalka sharciga hubka