Maxaad ka taqanaa sharciga qaadashada hubka ee Mareykanka?

Maxaad ka taqanaa sharciga qaadashada hubka ee Mareykanka?

Dalka Maraykanka waxaa hareeyey dood iyo hadalhayn la xiriirta sidii loo xakameeyn laha hubka dadka shacabka ah laga iibiyo.

Arrinkani ayaa timid ka dib markii dhowaan dad gaaraya 17 qof lagu dilay iskuul ku yaalla Florida, waxaa sidoo kale ka sii horaysay dhacdooyin dhowr ah sidan oo kale ay dad ugu dhinteen.

Hadaba si aan wax badan uga ogaano sharciga iibsiga hubka iyo sharuudaha laga doonaayo qofka iibsanaayo, ayaa waxaa amuurtaasi ka wareeysanay Cabdiweli Cabdi haybe oo muddo dheer ka tirsanaa laanta dambi-baarista Maraykanka wuxuuna u warramay Cabdirisaq Xaaji Catosh.