Dagaalamayaal u dhashay UK oo Suuriya lagu qabtay

Alexanda Kotey (bidix) iyo El Shafee Elsheikh ayaa waxaa qabtay xoogaga kurdiyiinta Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Alexanda Kotey (bidix) iyo El Shafee Elsheikh ayaa waxaa qabtay xoogaga kurdiyiinta

Mareykanka iyo Britain ayaa yeelanaya wadahadal ku saabsan waxa laga yeelayo laba nin oo ka soo jeeda galbeedka London oo bishii la soo dhaafay lagu qabty dalka Suuriya , waxaa sidaasi sheegtay xoghayaha arrimaha gudaha UK.

Raggan ayaa looga shakisan yahay in ay ku lug lahayeen howlo argagixiso.

Amber Rudd oo ah xoghayaha arrimaha gudaha ee Britain ayaa sheegtay in raggani la qabtay ee lagu kala magacaabo , Allexanda Kotey iyo El Shafee Elsheikh, ay tahay in la maxkamadeeyo.

Waxaa looga shakisan yahy in ay xubno ka ahaayeen kooxda la baxday dowladda Islamka.

BBC ayaa ogaatay in labadani nin horey loogala noqday dhalashadii UK.

  1. Britain oo eedeysay Sacuudiga
  2. Sawirrada weerarka baarlamaanka ee Britain
  3. Aayaha Yurub marka Britain ay ka baxdo

Ms Rudd ayaa tiri: Waxa naga go'an in aaan xaqiijino in la maxkamadeeyo.

"Dadkani waa in ay wajahaan sharciga." Ayay intaa ku dartay.

Horraantii bishan wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay in raggani ay tahay in la soo taago maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.

Waxaa la soo jeediyay in raggani loo diro xabsi Guantanamo Bay ee uu Mareykanka maamulo.

Qaar ka mid ah qoysaska ay eheladooda dileen kooxda IS ayaa iyaguna ku baaqay in raggan maxkamad la soo taago.

Mowduucyada la xiriira