Doodda ku saabsan xakamaynta hubka Mareykanka oo wali socota

Donald Trump Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Donald Trump

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar lagu mamnuucayo isticmaaladda aaladdaha gacanta ka gaysta in qoryaha ay si daraandoori ah u dhacaan .

Aaladahani ayaa la sheegay in uu isticmaalay ninkii gaystay toogashadii ka dhacday Las Vegas oo ay ku dhinteen 58 qof.

Aaaladani ayaa u suuragalanaysa qoriga in uu boqolaal jeer baas rido muddo daqiiqad ah.

Mr Trump oo ka hadlayay aqalka cad ayaa sheegay in uu ku amray waaxda cadaaladda in ay soo jeediyaan sharci isticmaalka aaladaasi ka dhigay sharci daro.

Doodda xakamaynta hubka ayaa waji cusub yeelatay ka dib markii 17 qof ay ku dhinteen toogasho ka dhacaday iskuul ku yaalla gobolka Florida.

Ardayda iyo waalidiintii caruurtooda lagu laayay iskuulka Florida aya qorshaynaya in maanta ay dhigaan mudaaharaad ka dhacaya magaladda Tallahassee.

Waxaa maalmihi ugu dambayay socday dibadbaxyo lagu dalbanayay xakamaynta hubka Mareykanka.

Madaxwayne Trump ayaa isagu muujiyay sida uu u doonayo in uu gacan ka gaysto xakamaynta hubka.

Mowduucyada la xiriira