Iiraan oo sheegtay in ay wado dadaalo lagu joojinayo dagaalka Suuriya

Xaaladda bariga Ghouta ayaa ah mid cakiran Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xaaladda bariga Ghouta ayaa ah mid cakiran

Dowladda iiraan ayaa sheegtay in ay wado qorsha wax loga qabanayo xaaladda bina'aadanimo ee ka jirta dalka Suuriya.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iiraan ayaa sheegay in dalkiisa uu xiriir la sameeyay dowladaha Suuriya,Ruushka iyo Turkiga si la isugu dayo in la soo afjaro xaaladda bina'aadanimo ee ka jirta bariga Ghouta.

Abbas Araghchi ayaa la hadlay BBC ka dib markii Qaramada Midoobay ay dhinacyada ku lugta leh dagaalka Suuriya ay ugu baqday in joojinta dagaalka ay booriyaan.

Mr Araghchi ayaa sheegay in qof waliba uu ka walaacsan yahay xaaaladda iyo dhibaatada bina'aadnimo ee halkaasi ka jirta.

Diyaaradaha Ruushka oo ka duulaya saldhig Iran

Waxa uu inta ku daray in Iiraan iyo xukuumadda Suuriya ay ka walaacsan yihiin xaaladda islamarkana aysan xalka u arkin tillaabo militari.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muddaharaadyada Iraan maxay ku qotomaan?

Hadalka Wasiirka ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan baaqyada ku aadan in la joojiyo duqaymaha ka socda bariga Ghouta

Mowduucyada la xiriira