Weriye fooshii qabatay toos idaacad looga baahiyay

Cassiday ayaa wiilka ay umushay waxaa loo bixiyay Jameson

Xigashada Sawirka, @RADIOCASSIDAY/INSTAGRAM

Qoraalka sawirka,

Cassiday ayaa wiilka ay umushay waxaa loo bixiyay Jameson

Wariya ka tirsan idaacad ka howlgasha dalka Mareykanka ayaa umushay iyada oo hawada ku jirta barnaamij ay subaxii tabiso.

Cassiday Proctor, oo ah wariye barnaamij ka tabisay idaacadda Arch ee ka howlgasha magaalada St Louis ee dalka Mareykanka ayaa Talaadadii barnaamijkeeda laga soo tabiyay iyada oo ku sugan qaybta qallliinka.

Ms Proctor ayaa waxay xanuunka foosha dareenta Isniintii.

Maamulka Idaacadda wariyahani ay ka howlgasho ayaa waxa ay isbataalka kala shaqeeyeen sidii ay halkaasi ugu umuli lahayd islamarkana looga tabin lahaa barnaamijka.

Waxa ay BBC u sheegtay in ay ahayd fursad dhiirigalin ah iyada oo uu cunuga dhashay laba toddobaad ka hor xilligii la filayay in uu dhasho.

"Waxa ay ahayd mid xiiso badan in ay noo suuragasho maalintii iigu farxadda badnayd in aan la wadaagno dhagaystayaasheena," ayay tiri Ms Proctor.

Waxa ay intaa ku dartay in qofka uu ku umulo isaga oo hawada ku jira ay ahayd wax aan caadi ahayn.

Wiilka Cassiday Proctor ayaa waxaa loo bixiyay Jameson ka dib markii bishii January ay u tartameen magac bixinta dhagaystayaasha idaacadaasi.

Ms Proctor ayaa imika in muddo ah fasax ka qaadan doonta barnaamijkeeda.