29 ku dhimatay qaraxyadii Muqdisho

Qaraxyada ayaa ahaa kuwa is xigxigay
Image caption Qaraxyada ayaa ahaa kuwa is xig-xigay

Inta la xaqiijiyay 29 qof ayaa ku dhintay weeraro iyo qaraxyo is xigxigay oo xalay fiidkii ka dhacay Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa isugu jira rayid, askar ka tirsan dawladda iyo kooxdii weerarka qaaday ee Al-Shabaab.

Madaxa caafimaadka ee sbitaal Madiino Dr Cabdiqaadir Xuseen Maxamad ayaa BBC-da u sheegay in isbitaalka la soo gaarsiiyay 11 dhaawac ah iyo 29 dhimasho ah kuwaas oo waxyeeladu ka soo gaartay qaraxyadii iyo iska hor'imaadyadii xalay ka dhacay Muqdisho.

Ehelada dadkii wax ku noqday qaraxyada ayaa dhooban isbitaalka Madiino, qaar ayaa aqoonsaday maydadka xubnihii qoysaskooda ka dhintay.

Image caption Qaar ka mid ah shacabka ayaa iyaguna yimid goobaha ay qaraxyada ka dhaceen
Image caption Waa gawaarida gurmadka degdega oo ka qay qaadanaya howsha gurmadka

Cabdiraxman Maxamuud Xasan waxa uu awoowe u ahaa labo caruurra oo ku dhintay qaraxa ka dhacay isgoyska km 0 xalay fiidkii.

Wuxuu BBC-da u sheegay in labada caruurta ah iyo hooyadood ay ka soo laabteen booqasho ay ugu tageen aabahood balse mashaqadu ay ku qabsatay isgoyska. "reerka hooyadiina waa dhaawacantay, digfeer ayay ku jirtaa, caruurtiina labaa dhimatay oo meeshan meydka ku jirta marka hooyadii dhaawac xoog leh ayaa gaaray digfeer ayaa hadda lagu dabiibayaa".

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarrada xalay Muqdisho ka dhacay, waxayna sheegeen inuu bartilmaameedku ahaa xarunta madaxtooyada iyo xarunta sirdoonka qaranka.

Image caption Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarradan
Image caption Magaaladda Muqdisho ayaa bilooyiinkii ugu dambeeyay xasillooneyd

Afhyeen u hadlay wasaaradda amniga Cabdicasiis Xildhibaan ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada amaanku ka hortageen kooxda weerarka qaaday isla markaana ay ka dileen shan.

Muqdisho ayaa xasilooneyd afartii bilood ee la soo dhaafay kadib qaraxyadii boqolaalka qof ay ku dhinteen ee dhacay bishii October ee sanadkii hore.

Mowduucyada la xiriira