Beelaha la hayb sooco ee Somaliland oo dalbaday kuraas baarlamaan oo iyaga u gooni ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Beelaha la hayb sooco ee Somaliland oo dalbaday kuraas baarlamaan oo iyaga u gooni ah

Beelaha la hayb sooco ee ku dhaqan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa baaq u diray xukuumada iyo xisbiyada siyaasadda, iyagoo u soo jeediyay in la siiyo tiro kuraas baarlamaan ah oo iyaga u gaar ah, doorashada baarlamaanka iyo golayaasha deegaannada ee degoomooyinka ee la filayo in la qabto bisha March ee saandka 2019.

Baaqan ayaa ku soo beegmaya xilli baarlamanka loo soo jeediyay inay wax ka beddelaan xeerka doorashada baarlamaanka gaar ahaan qodobada saami qaybsiga gobollada.

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha la hayb sooco ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxaanu shirkaa jaraa'id ka dib u waramay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.