Mucaaradka Itoobiya oo xaaladda dalkaasi uga arrinsanaya London
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mucaaradka Itoobiya oo xaaladda dalkaasi uga arrinsanaya London

Shir ay iskugu yimaadeen ururro badan oo ka mid ah mucaaradka Ethiopia oo qaarkood yihiin kuwa hubaysan ayaa shalay ka furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Shirkaas oo lagu wado in maanta la soo gaba-gabeeyo ayaa waxaana soo qaban qaabiyey isbahaysi magaciisa loo soo gaabiyo PAFD, ururrada isbahaysigaa ka midka ah waxa ka mid ah jabhadda hubeysan ee ONLF.

Haddaba waxaan khadka telefoonka magaalda London oo shirkaasi ka socdo ku waraysanay guddoomiyaha hoggaanka warfaafinta ONLF, Xasan Muxumed Macallin, oo isla markaana ah xubin ka tirsan guddida fulinta ee isbahaysiga PAFD, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Axmadnagaashe oo ugu horrayn waydiiyey Xasan ujeeddada shirka iyo cidda ka qayb galaysa.