Xafladda xiritaanka ciyaaraha Olambikada oo Pyeongchang ka socota

Xafladda ayaa socota Pyeongchang
Image caption Xafladda ayaa socota Pyeongchang

Ciyaartooyda iyo taageerayaasha ciyaaraha ayaa soo buux dhaafiyay garoonka ciyaaraha Olambikada Pyeongchang halkaasi oo ay ka dhacayso xafladda xiritaanka ciyaaraha ee xilliga qaboobaha.

Xafladda xiritaanka ciyaaraha Olambikada ee xilliga qaboobaha ayaa ka dhacaysa Kuuriyada Koonfureed , ka dib 16 maalmood oo ay halkaasi ka socdeen tartanka ciyaaraha Olambikada.

Xafladan ayaa sidoo kale waxaa ka qaybgalaya gabadha madaxwayne Trump , Ivanka, iyo ergo ka socota Kuuriyadda Waqooyi.

Dalka Norway ayaa helay billadaha ugu badan , iyaga oo ka hormaray Jarmalka ka dib markii ay ku guulaysteen billad dahab ah ciyaartii kama dambaysta.

Ciyaartooyda Ruushka ayaa loo diiday in calanka dalkooda ay qaataan xiritaanka ciyaaraha ka dib markii laba ka mid ah ciyaartooyda Ruushka la ogaaday in ay isticmaaleen daawooyiinka jirka awoodda siiya.

Balse guddiga caalamiga ah ee Olambikada ayaa soo afjari doona mamnuucidda ciyaartooyda Ruushka ka dib ciyaarahan.

Mowduucyada la xiriira