Filim ku saabsan kaalinta suugaantu ku leedahay nabadda oo Hargeysa lagu soo bandhigay

Filim ku saabsan kaalinta suugaantu ku leedahay nabadda oo Hargeysa lagu soo bandhigay

Magaalada Hargeysa dhawaan waxaa lagu soo bandhigay filim gaaban oo ku saabsan kaalinta suugaanta ay ka qaadan karto deminta iyo ka hortagga colaadaha dhex mara beelaha Soomaalida iyo qiimaha ay leedahay nabadda.

Filimkaas oo uu curiyay abwaan Axmed Aw Geeddi waxaa lagu saleeyay qaabka colaadda Soomaalida oo marka uu khilaaf dhex maro laba qof isla markiiba isu badala gacan kahadal u dhaxeeya beelaha labada qof ee uu khilaafka u dhaxeeyay.

Haddaba waxaa daawaday oo kadibna warbixintan nooga soo diray weriyaha BBC Axmed Saciid Cige.