Duqeymo wali ka socda Suuriya kadib xabad joojintii golaha ammaanka

.
Image caption Burburka ka dhashay duqeymaha bariga magaalada Ghouta

Dalka Suuriya waxaa wali kasii socda duqeymaha ay dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad ka wado goobaha ay ku suganyihiin mucaaaradka,xili golaha ammaanka ee Qamara midoobay uu maalintii sabtida uu meel mariyay qaraar lagu joojinayo collaada.

Boqolaal qofa ayaa lagu soo warramayaaa inay ku dhinteen duqemaha ka dhacaya bariga magaalada Ghouta.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ciidammada dowladda waxaa ay qaadeen saacado un kadib markii Qaramada midoobay ay ku dhawaaqday xabadjoojinta.

Dalalka Fransiiska iyo Jarmalka ayaa ugu baaqay dowladda Ruushka in madaxweyne Bashar Al-Asad ay ku cadaadiso inuu ixtiraamo xabadjoojinta,

Mar aya khadka taleefonka ku wada xirirayeen ayaa madaxda dalalka Ruushka, Jarmalka iyo Fransiiska waxaa ay ka wada hadleen sidii loo dhaqan gelin lahaa xabadjoojinta.

Goobaha ay dowladda Suuriya ka wado duqeymaha ayaa la sheegay inay yihiin goobihii ugu dambeeyay ee ay maamulaan kooxaha mucaaradka ee dalka Suuriya.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Colaada Suuriya

Maxaa dhacay maalintii axadda.

Duqeymaha dowladda Suuriya ee maalintii axada ka dhacay bariga magaalada Ghouta ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya saddex qof, halka kooxaha mucaaradku na ay shegeen inay dilleen askar katirsan ciidammada dowladda.

Sida ay kusoo warrantay hey'adda la socodka xaaladaha Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka Ingririiska ayaa duqeymahan waxaa lala bartilmaameedsaday dulleedka Douma ee bariga Ghouta.

Ciidammada dhulka ee dowladda ayaa isku dayaya inay gudaha u galaan bariga magaalada Ghouta.

Kooxaha mucaaradka ee Suuriya ayaa sidookale kusoo warramay inay dib u celiyeen ciidammada dowladda oo dhowr furin kaga wajahan magaalada.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sidookale kusoo warrantay in dowladda Iran ay sheegtay in inkastoo ay u hogaansanmi doonto xabadjoojinta, haddana aysan joojin dooni howgallada milateri ee ay ka wado agagaarka magaalada Dimishiq, madaama aysan kamid aheyn goobaha laga dhaqan gelinayo xabadjoojinta.

Dowladdaha Iran iyo Ruushka oo xulafa dhaw la ah madaxweyne Bashar Al-Asad ayaa qeyb weyn ka qaatay in dowladda Suuriya ay deegaano badan ka qabsato mucaaradka.

Maxaa ka jira wararka sheegaya in la adeegsaday hub kiimika ah?

Saraakiil katirsan hey'ad ka shaqeyso caafimmaadka ayaa BBC-da u sheegay in mid kamid ah cisbitaaladooda oo ku yaala goobaha duqeymaha ay ku dhacayaan la keenay bukaano laga helay calaamado muujinaya in la adeegsaday hub kiimika ah, waxaana uu intaa ku daray in mid kamid ah caruurtaasi uu geeriyooday.

Sidookale hey'adda la socodka xaaladaha Suuriya ee fadhigeedu yahay Britain ayaa iyaduna sheegtay inay heshay maclumaad muujinaya in la adeegsaday hubka wax gumaada.

Ilaa iyo hadda ma jirta cid si madaxbanaan u xaqiijin karta wararkan.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xaaladda Suuriya

Waa sidee xaaladda bariga Ghouta?

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay, Antonio Guterres ayaa xaaladda bariga magaalada Ghouta ku tilmaamay ''caddaabkii adduunka''.

Sidookale hogaamiyaha madhabta Katholiga, Pope Francis ayaa dhankiisa sheegay in waxa ka socda halkaasi ay yihiin wax ka baxsan baniaadanimada.

Bambooyin laga buuxiyay fuustooyin ayaa loo adeegsaday goobaha qaar ee ay ku xanibanyihiin dad rayid ah oo gaaraya afar boqol oo kun.

Boqolaal qof ayaa lagu soo warramaya inay ku dhinteen duqeymaha ay fullinayaan ciidmmada dowladda tan iyo toddobaadkii aynu soo dhaafnay.

Dowladda Suuriya ayaa horay u beenisay inay bartilmaammeedsatay dad rayid ah, waxaana ay intaa ku dartay in halkaasi ay ka sifeneyso waxa ay ugu yeertay ''argagixiso''.

Mowduucyada la xiriira