Cudurka jadeecada oo ka dillaacay Cadaado
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cudurka jadeecada oo ka dillaacay Cadaado

Wararka ka imaanaya Isbitaalka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in 152 qof oo qaba cudurka Jadeecada la soo gaarsiiyay bishan aynu ku jirno ee Febaraayo oo kaliya taasoo muujinaysa baaxadda cudurka ee Cadaado iyo deegaanada ku xeeran.

Agaasimaha Isbitaalka Cadaado Dr Maxamad Cumar Yuusuf oo u waramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan ayaa sheegay in Isbitaalka ay ka jirto daawo yari, isla markaana loo baahanyahay gurmad degdeg ah.