Soomaali ku xiran gobolka Texas oo loo tarxiilayo Soomaaliya

Soomaali ku xiran gobolka Texas oo loo tarxiilayo Soomaaliya

Dhallinyaro Soomaali ah oo laga qabqabtay meelo ka mida waddanka Marayaykanka ayaa ku xidhan gobolka Texas oo la doonayo in dib loogu celiyo dalkoodii Soomaaliya.

Dhallinyaradan ayaa ah kuwo intooda badan wadanka Maraykanka falal dambiyeedyo ku galay.

Ma aha markii ugu horaysay ee wadanka Maraykana laga celiyo dad soomaaliya oo siyaabo kala duwan sharciyada wadankaasi loogu diiday

Sahra Mire Maxamed oo saygeedu ka mid yahay dadkaa xidhan iyo Maxamuud Xassan oo loo yaqaan BBC oo u ololeeya xuquuqda bulshada Soomaalida Maraykanka degan ayaa uga waramay wariyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen arinta Soomaalidaa ku xidhan Texas.

Waxaanu su'aasha ku bilaabay Sahar oo uu waydiiyey sida loo qabtay ninkeeda.