Libaax gool ah oo haweenay ku dishay Koonfur Afrika

Libaax gool ah Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Libaax gool ah

Haweenay ayaa geeriyootay kadib markii ay soo weerartay libaax dhedig ah (gool), xili ay haweenaydan ku sugnayd kayn xayawaanka lagu xanaaneeyo oo ku taala Koonfur Afrika.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday hoy loo nasiino tago oo ku yaala magaalada Hammanskraal, waqooyiga Pretoria.

Afhayeen u hadlay shirkadda gurmadka degdega ah ee Netcare 911 ayaa warbaahinta u sheegay "Xogta aan ka helnay aagga waxa ay sheegaysaa in haweenay 22 jir ah ay dhimatay kadib markii uu libaax weeraray, markii shaqaalaha Netcare 911 ay goobta gaareen waxa ay u tageen gabadhii oo dhimatay".

Ma cadda in haweenayda ay u dhalatay Koonfur Afrika iyo in ay tahay dalxiis.

Weerarada xayawaanka, gaar ahaan libaaxa dad-qaad ah ayaa ku badan Koonfur Afrika, iyada oo muddo sanad ah ay dhaceen dhawr weerar oo kan oo kale ah.

Dalxiisayaal aad u badan ayaa dalkaas booqda sanad kasta, kuwaas oo aad u daneeya in ay arkaan xayawaanka.

Mowduucyada la xiriira