Atletico Madrid oo baacsanaysa Barcelona

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Xiddiga Faransiiska u dhashay Antoine Griezmann ayaa afar gool uu dhaliyey wuxuu ku kabay sadexley uu dhamaadkii todobaadka dhaliyey iyadoo kooxdiisa Atletico Madrid ay karbaash ku dhufatay kooxda Leganes, tani oo ka dhigan guushii sideedaad oo xiriir ah oo ay ka gaarto horyaalka Spain ee La Liga.

Atletico Madrid ayaa soo gaabisay dhibcaha ay ka hooseyso kooxda Barcelona oo waxay ka hooseysaa 4 dhibcood oo kaliya inkastoo Barcelona ay u dhiman tahay hal ciyaar oo ay caawa u safrayo kooxda Las Palmas

Antoine Griezmann ayaa dhamaadkii todobaadka wuxuu dhaliyey sadexley ka mid ah ka mid ah shanti gool ee ay kaga badiyeen kooxda Sevilla.