Mandela iyo midab takoorkii Koonfur Afrika oo maxkamad isla aadaya

Nelson Mandela mar uu booqday xabsigii uu ku xirnaa 27 sano ee Jasiiradda Robben Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Nelson Mandela mar uu booqday xabsigii uu ku xirnaa 27 sano ee Jasiiradda Robben

Inkasta oo uu sanado ka hor geeriyooday halyeeygii Afrika Nelson Mandela ee ku caan baxay la dagaalanka midabtakoorkii Koonfur Afrika, kaasi oo soo afjarmay sanadkii 1994-tii, balse haddane waxa ay u egtahay in wali uusan dhammaanin halgankii Mandela uu ugu jiray in la ciribtiro midab takoorka.

Hay'adda Nelson Mandela ayaa maxkamadda geysay dalaba ay ku codsanayso in gabi ahaanba la mamnuuco in lasoo bandhigo ama la surto calankii dowladdii midabtakoorka Koonfur Afrika.

Hay'adda ayaa waxa ay sheegtay in wadashada calankan ay ka dhigantahay 'muujinta nacayb iyo takoor iyo waliba dhibaatayn hor leh oo dadka loo geysanayo".

Waxa ay intaas ku dartay in calankan uu ka dhiganyahay in loo dabaaldegayo dambiyadii bini'aadanimada ka dhanka ahaa ee ay geysatay dowladaas.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Calankii midabtakoorka

Balse dadka qaarkood ayaa sheegay in arrintan laga yaabo in ay lid ku tahay xuquuqul qawlka.

Hay'addan oo loo abuuray si ay usii xoojiso sooyaalkii Mandela ayaa gal dacwadeed ka furatay maxkamadda sinaanta ee Johannesburg.

Sanadkii hore ayay dac caddaan ah oo banaanbaxyo dhigaya lasoo baxeen calankan.

Waxa uu calankan ka koobanyahay midaba liinta, caddaanka iyo buluugga, waxaana la sameeyay sanadkii 1928-dii si uu u matalo xukunkii caddaanka tirada yar midabtakoorkii Koonfur Afrika.

Balse waxaa la badalay sanadkii 1994-tii markii uu dalkaasi xornimada qaatay, laguna badalay calanka ka samaysan jeegaanta oo matalaya dadka kala midab duwan ee Koonfur Afrika.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Calanka jeegaanta ee Koonfur Afrika

Urur u dooda xuquuqda dadka caddaanka ah oo lagu magacaabo Afriforum ayaa sheegay in ay fahamsanyihiin dhibaatada uu leeyahay calanka, balse waxa ay ku doodeen in uu qeyb ka yahay taariikh hore, sidaasi darteedna aanan la mamnuucin.

Hay'adda Mandela waxa ay sheegtay in aanan taariikhda laga tirtiri doonin, lana ogolaan doono in calanka la dhigo madxafyada, kana soo muuqdo filimaanta taariikhda.

Mowduucyada la xiriira