Maalintii ugu dambeeysay ee ololaha doorashada Talyaaniga

Raisul Wasaarhii hore ee Talyaaniga Matteo Renzi Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Raisul Wasaarhii hore ee Talyaaniga Matteo Renzi ayaa musharrax u ah xisbiga Dimuqraadiga

Xisbiyada siyaasadeed ee ugu waaweyn dalka Talyaaniga ayaaku jira ololohoodii u dambeeyay ee doorashada iyadoo maalinta Axadda ah ay dalkaasi ka dhaceeyso doorashada guud, xisbi kastana waxa uu rajeeynayaa in uu guuleeysto.

Ololaha ugu dambeeya ayaa waxaa qabatay xisbiga talada haya dimuqraadiga, dhaqdahqaa dowladda ku kacsan ee Star Movement iyo soo galooti diidka ah ee Northern League.

Qulqulka muhaajiriinta iyo shaqa la'aanta dhalinyarada ayaa ugu waayeeena ballanqaadya xisbiyada.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hogaamiyaha xisbiga Northern League oo ku sugan xarunta xisbigiisa malaintii ugu dambeysay ee ololaha

Talyaaniga waxaa hogaaminayay golaha wasiirada tan iyo bishii December sanadka 2016, kadib markii Ra'iisal Wasaare Matteo Renzi uu xilka iska casilay.

Codbixinta ayaa bilaabaneeysa Toddobada Aroornimo ilaa kow iyo tobanka habeenimo.(07:00 ilaa 23:00) ee maalinta Axadda ah.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
DAAWO: Deegaan ku yaalla Taliyaaniga oo maalin kastaa dhulka dillaaco

Mowduucyada la xiriira