Xubno sarsare oo ka tirsan Daacish oo lagu qabtay Kaabuul

daacish

Saraakiisha sirdoonka dalka Afqaanistaan ayaa sheegaya in ay xireen laba nin oo lagu tuhunsan yahay in ay yihiin hoggaamiyeyaasha koodxa Dowladda Islaamka.

Raggan ayaa lagu qabtay gudaha magaalada caasimadda ahi ee Kaabuul.

Mid ka mid ah raggaasi ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar oo kaliya waxaana lagu eedeynayaa in uu hormuud ka yahay hawlgallada milatari ee kooxda la baxday Dowladda Islaamka.

Ninka kale oo isna magaiisa lagu sheegay Ixsaanullah ayaa la sheegay in uu kooxdaasi u qaabilsan yahay qorista maleeshiyaadka kooxdani mintidka ahi.

Labadani nin ayaa la sheegayaa in ay u dhasheen isla dalkaasi Afqaanistaan.

Saraakiisha sirdoonka dalkaasi ayaa warbaahinta u soo bandhigay muuqaal laga soo duubay raggan oo muujinaya iyaga oo qiranaya xubinnimadooda Daacishta Afqaanistaan ka hawlgasha.

Raggan ayaa lala xiriirinayaa weerar bishii Oktoobar ee sanadkii hore lagu qaaday masaajid Shiicadu leedahay oo ku yaalla magaalada Kaabuul, kaa oo ay ku dhinteen qiyaastii 40 qof.