Maxay tahay waxa Somalilan au u haysata Naciima Qorane?

Naciima Lahaanshaha sawirka NACIIMA ABWAAN QORANE/FACEBOOK

Mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaannida ee Somaliland, ayaa dacwad rasmi ah ku soo oogay Naciima Qorane, oo ah hal abuur. Waxay ku eedeysan tahay inay faafisay hadallo ay kaga been sheegayso jiritaanka Somaliland.

Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyey shaley, in haweeneydan ay ku kacdey ''waxyaabo ka mamnuuc ah muwaadinka, liddina ku ah qaranka''.

Xiritaankeeda ayaa yimid kagadaal markii ay kasoo noqotey safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.

Gabyaaga ayaa aheyd qof aan ka gaban doonitaankeeda midnimada Soomaaliya, taasoo ay ku muujisay qoraalo ay galisay baraha bulshada kuwada xiriirto ee Facebook-ga, iyo xafladaha la isugu yimaado. Haddii tuhunka lagu eedeeyey la cadeeyo, markaa danbigeeda xukunkiisa wuxuu noqon doonaa sideed sano oo xabsi ah.

Waxaa dacwadda lagu oogay Nimco cambaareeyey oo ku tilmaamay in ay tahay mid ka hor imanaysa xorriyadda hadalka xarunta xuquuqal insaanka Hargaysa, guddoomiyaha xarunta Guuleed Axmed Jaamac oo ku magac dheer Dafac, ayaa xiritaankan ku tilmaamay mid cuburin ah.

Somaliland: Nama quseeyo xeerka isgaarsiinta

''Waxa kaliya ee lagu heysta ayaa ah qoraal ay kusoo bandhigtay rayigeeda, oo ay markaana ku qortey barta Facebook-ga, waxaan aaminsan nahay in haweeneydaasi ay cabirtay rayigeeda, xaqna ay u leedahay''.

Mowduucyada la xiriira