Hergab Shinbireed ka dilaacay dalka Kenya

Isbataalka Nanyuki Teaching and Referral Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Isbataalka Nanyuki Teaching and Referral

Saraakiisha dalka Kenya ayaa la tacaalaya hergabka shimbiraha oo ka dilaacay dalkaasi.

Sida uu qoray wargayska Daily Nation wiil 5 jir ah ayaa u dhintay Hergab Shinbaraha.

Saraakiisha degaanka galbeedka Laikipia ayaa soo saray digniin ka dib markii baaritaan lagu sameeyay bukaano la ogaaday in uu yahay Veyriska H1N1.

Evelyn Obong'o, oo ah howl wadeen caafimaad oo ka howlgasha isbataalka Nanyuki Teaching and Referral ayaa u sheegtay wargayska Daily Nation in kooxdeeda ay la tacaalayaan 60 kiis oo ah hergab Shinbireed.

Dadkani ayay sheegtay in intooda badan ay yihiin caruur.

Calaamadaha dadkani lagu arkay ayaa waxaa ka mid ah qandho,Shuban iyo matag.

Mowduucyada la xiriira