Haween isu tagay oo isbitaalka dhallaanka iyo hooyada ka dhisaya Garowe

Haween isu tagay oo isbitaalka dhallaanka iyo hooyada ka dhisaya Garowe

Magaalada Garowe waxaa ku yaalla Isbitaal loogu talo galay hooyada iyo dhallaanka, waxaana Isbitaalkan dhisaya dumar is garabsaday oo tiradoodu lixdan gaareyso.

Dumarkan ayaa sheegay inay isku dayayaan inay dabolaan baahida loo qabo in la helo cisbitaal u gaar ah hooyada iyo dhallaanka oo laga dhiso deegaanka ay ku nool yihiin.

Weriayaha BBC-da Bushra Maxamed Nuur ayaa booqatay isbitaalkaasi lana kulantay qaar ka mid ah dumarkaasi