Ciidamada dowladda Suuriya oo la wareegay kala bar bariga Ghouta

Ciidamada dowladda ayaa ku sii siqayay goobaha ay mucaaradka haystaan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada dowladda ayaa ku sii siqayay goobaha ay mucaaradka haystaan

Xoogaga daacadda u ah dowladda Suuriya ayaa la sheegay in ay la wareegeen kala bar bariga Ghouta .

"Ciidamada dowladda waxa ay gacanta ku hayaan 50% Ghouta," waxaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka AFP Rami Abdel Rahman, oo ah madaxa kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay UK.

Dhanka kale Kolanyo gargaar ah oo lagu waday in maanta ay u safraan goobaha ay mucaaradka haystaan ee bariga Ghouta ayaa dib loo dhigay.

Afhayeen u hadlay hay'adda laanqayrta Cas ayaa sheegay in xaalado ka soo kordhay goobtaasi ay sababeen dib u dhac kale.

Waxa ay noqonaysaa markii labaad oo dib u dhac uu ku yimaado toddobaadkan gargaar ay si aad ah ay ugu baahnaayeen kumannaan rayid ah oo go'doonsan.

Isku day lagu doonayay Isniintii in gargaar lagu gaarsiiyo bariga Ghouta ayaa hakad galay ka dib markii duqaymo cusub ay bilaabmeen.

  1. Israa'iil oo "qaabileysa agoonta Suuriya"
  2. Kooxaha jihaaddoonka Suuriya oo is laayay
  3. Mintidiinta Suuriya oo diiday inay Xalab ka baxaan

Boqollaal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay tan iyo intii uu bilaabmay duulaanka bishii aanu soo dhaafnay.

Magaalada New York, waxaa kulan ku leh xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay si ay uga wadaxaajoodaan guuldarada ku timid dalabkii xabad joojinta ee ay jeediyeen toddobaadkii aanu soo dhaafnay.

Golaha ammaanka ayaa 24 February waxay dalbadeen in muddo 30 maalmood ah la joojiyo dagaalada Suuriya.

Mowduucyada la xiriira