Miis uu ku qadeeyay Obama oo laga dhigay sheey loo daawasho tago

. Lahaanshaha sawirka NSTAGRAM: ANTHONY BOURDAIN

Miis uu raashiin ku cunay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Barack Obama xili uu booqasho ku joogay dalka Vietnam ayaa laga dhigay sheey loo daawasho tago.

Arrintan ayaa waxaa samaysay maqaayadii uu wax ka cunay oo weelashii uu wax ku cunay iyo miiskiiba ku xeendaabay dhalo meel ka mid ah maqaayadda, waxayna dusha sare ku dhajiyeen sawirkii laga qaaday Obama markii uu maqaayadda yimid.

Obama ayaa raashiinka la cunay ninka lagu magacaabo Anthony Bourdain oo ah nin cunto kariye ah oo barnaamij ku cunto-karin ah ku leh taleefishinada.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Maxaa lagu xasuusanayaa Obama

Raashiinka uu cunay ayaa waxa uu qarash ahaan dhannaa $6 doolar oo kaliya.

Lahaanshaha sawirka FACEBOOK DAM HA PHU

Maamulka maqaayadan ayaa sheegay in fikradda ah in miiska meel la dhigo ay ka timid macaamiisha.

"Macaamiisha waa ay jeclaadeen, sawiro ayay ka qaadaan, iyagana ku galaan" ayuu yiri Thi Hang Nga oo ka mid ah mulkiilayaasha maqaayadan oo ku taala Hanoi. Waxa uu intaas ku daray in uusan u malaynaynin in ay ku helayaan macaamiil badan, balse ay tahay xushmad ay u hayaan Obama.

Talaabo sharafeedkan ayaa waxaa inta badan loo sameeyaa hoggaamiyaha dalkaa Ho Chi Minh, si jiilalka soo socda ay u arkaan.

Mowduucyada la xiriira