WhatsApp oo bilaabaysa adeeg lacagaha la’isugu diri karo

. Lahaanshaha sawirka Getty Images

Shirkadda ugu weyn adduunka ee fariimaha la'isugu diro ee WhatsApp ayaa shaacisay in ay dalka Hindiya ka bilaabayso adeeg ay dadka isugu diri karaan lacagaha.

Arrintan ayaa waxa ay walwal galisay shirkadaha waaweyn ee dalka Hindiya ee bixiya adeegyada lacaga la'isugu diro taleefoonada oo ku fadhiya adduunka dhan $400 bilyan oo doolar.

Adeegga cusub ee WhatsApp hadda waxa uu ku jiraa tijaabo, waxaana la bilaabi doonaa bishan dhammaadkeeda.

Macaamiisha isticmaasha WhatsApp ee dalka Hindiya waxa ay hadda gaarayaan illaa 200 milyan oo qof, waana sii kordhayaan macaamiisha.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Gabdho baraha bulshada lacag ugu uruurinaya dadka ay abaarta saameysay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Shilka diyaaradda ee garoonka Dubai

Mid ka mid ah milkiilayaasha shirkadda Paytm oo lacagaha la'isugu diro Vijay Shekhar ayaa WhatsApp ku eedeeyay in ay hareer marayso talaabooyin muhiim ah oo ay tahay in lagu sugo amniga habka lacagaha laisugu diro.

Paytm oo ay qeyb ahaan leedahay shirkado ku sugan Shiinaha iyo Japan ayaa waxa ay hadda macaamiisheeda gaarayaan illaa 300 milyan oo qof.

Habka cusub ee WhatsApp waxa uu ogolaanayaa in qofka uu bangigiisa lacag kala boxo, kadibna u diro akoon kale oo bangiga ee qofka kale.

Mowduucyada la xiriira