Israa'iil oo hakisay qorshihii lagu masaafurinayay muhaajiriinta Afrika

Eritreanka iyo Suudaaniiska ayaa u badan muhaajiriinta Afrikaanka ah ee Israa'iil ku nool Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Eritreanka iyo Suudaaniiska ayaa u badan muhaajiriinta Afrikaanka ah ee Israa'iil ku nool

Maxkamadda ugu sarraysa Israa'iil ayaa laashay qorshe muran badan dhaliyay oo ay dawladdu ku doonaysay in ay ku musaafuriso Afrikaanka soo galootiga ah ee sida sharcidarrada ah ku soo galay.

Maxkamaddu waxay dawladda ka dalbatay in ay u soo gudbiso macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qorshaheeda tan iyo 26 bisha Maarso.

Bishii Janaayo ayaa dad muhaajiriin ah oo u badan Eritrean iyo Suudaaniis loo soo bandhigay qorshe lagaga bixinayo tikit laguna siinayo $3,500 oo doolar haddii ay ogolaadaan in ay si istikhiyaarkood ah u tagaan dhammaadka bisha Maarso.

Haddii kalana ay wajihi doonaan xarig iyo in qasab looga saaro dalka. Qorshahaas waxaa dhaliilay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Maxkammadda Israa'iil ayaa go'aankan gaartay Khamiistii ka dib markii ay dhagaysatay dacwad ay gudbiyeen koox muhaajiriin ah oo u kala dhashay Eritrea iyo Suudaan.

Hadda dawladdu ma masaafurin karto muhaajiriinta Afrika tan iyo inta ay maxkamaddu ka helayso macluumaad dheeri ah.

Xukuumadda Israa'iil waxay sheegtay in ay dalkooda ku sugan yihiin 40,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Soomaali qaxootinimo u tagay Israa'iil

Dadkaas badankoodu waxay ka soo tallaabeen xadka Masar dhawr sano ka hor, intii aan darbiga laga dhisin xadka saxaraha ah. Arrintaas ayaana aad u yaraysay dadkii sharcidarrada ku gali jiray.

Hal wiil oo da'yar ah oo kali ah ayuu sameeyay qorshaha ay Israa'iil wadatay.

Qorshahaasi wuxuusan saamaynaynin carruurta, dumarka, waaliidka carruurta iyo dadka la adoon saday ama ay dhibaatadu ka soo gaartay dadka wax tahriibiya.

Mowduucyada la xiriira