Wenger oo doonaya in aysan foodda is darin Atletico Madrid

Danny Welbeck Lahaanshaha sawirka Reuters

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in aysan isku aadin kooxda Atletico Madrid marka la sameeyo isku aadka siddeed dhammaadka koobka Europa League.

Arsenal ayaa ka soo badisay kooxda AC Milan wareeggii 16ka.

Danny Welbeck oo ka tirsan Qaranka England ayaa labo gool dhaliyay labadii galin ee ciyaarta, Arsenal ayaana 3-1 ku badisay lugtii labaad ee labada kooxood ay foodda isku dareen.

Hakan Calhanoglu ayaa gool dhalinta bilaabay isaga oo Milan goosha u saxiixay daqiiqaddii35aad balse marka la isku daro natiijada labada kulan waxay ku soo idlaatay 5-1.

Wenger ayaa markaas sheegay "xaqiiqatan in uu jeclaan lahaa in aysan isku soo aadin Atletico Madrid".

Isku aadka wareega siddeeda kooxood ayaa la qaban doonaa Jimcaha.

Mowduucyada la xiriira