Toban su'aalood oo kaa caawin kara in aad fahanto xaaladda Suuriya

Carruur ku dhaawacantay Ghouta Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Carruurta ayaa ka mid ah kuwa ay saamaysay collaada sokeeye ee Suurira, tan iyo sannadkii 2013 afartii ruux ee Suuriya lagu dilaba ku dhawaad mid ayaa carruur ah

Ku dhawaad 400,000 oo qof oo rayid ah ayaa wali ku go'doonsan gudaha deegaannada uu mucaaradka maamulo ee bariga Quuda oo u dhow caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq.

In kastoo isbucii la soo dhaafay lagu dhawaaqay xabbad joojin si dadka tabaaleysan ee rayidka ah looga daadgureeyo goobaha ay colaadda ka socota, haddana waxaa wali sii soconaya duqeymaha ka dhanka ah bariga Quudha.

Sida ay sheegtay hay'ad maxalli ah oo laga leeyahay dalka Suuriya, colaadda sokeeye ee dalkaasi Suuriya oo soo billaabatay sannadkii 2001 ayaa galaafatay nolasha 470,000 oo qof.

Usbuucyadii ugu dambeeyay oo kaliya ayay hay'addani sheegtay in bariga Quudha ay ku dhinteen 719 qof.

Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegeysa in colaaddani Suuriya ay ku barakeceen shan milyan oo qof.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Bariga Ghouta waxaa ku go'doonsan in kabadan 400,000 oo shacab ah

Tobankan su'aalood ee hoos ku xusan ayaa kaa caawin doono in aad fahantid waxa ka soconaya gudaha dalka Suuriya.

1. Maxaa ka dhacaya gudaha bariga Quudha?

Bishii Febraayo ee sannadkan ayaa dowladda Suuriya iyo xulufadeeda waxa ay xoojiyeen hawlgal milatari oo ka dhan ah dhulka ay maamulaan fallaagada oo ay ku jiraan deegaannada bariga Quudha oo tan iyo sannadkii 2012 ay gacanta ku hayeen kooxaha mucaaradka ku ah madaxweyne Bashaar Al-Asad.

Bariga Quudha ayaa waxaa lagu hayay duqeymo xooggan oo la sheegay in usbuucyadii ugu dambeeyay ay ku dhinteen in kabadan kun qof oo rayid ah, waxaana Qaramada Midoobey ay sheegeysaa in la burburiyay qiyaastii 76% dhismeyaashii ay dadka degganaayeen ee bariga Quudha.

Inta badan shacabka gaaraya 400,000 ee qof ee halkaasi ku nool ayaa hadda waxay ku nool yihiin guryo ay ka sameysteen dhulka hoostiisa.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption 76% dhismayaashii deegaanka ahaa ee Ghouta waa la burburiyay

Ciidammada dowladda Suuriya ayaa lagu eedeeyay in sun kiimiko ah ay u adeegsatay colaadda.

Dhammaadkii bishii Febraayo ee sannadkan, cannug yar ayaa u dhintay wax loo maleeyay weerar loo adeegsaday sun nooca kalooriinka ah, iyadoo 13 qof oo kale la sheegay in uu naqaska ku dhagay.

Saraakiisha dowladda waa ay beeniyeen eedeymahaasi.

Bishii Agoosto sannadkii 2013, mukhaabaraadka reer galbeedka ayaa xukuumada Dimishiq ku eedeeyay isticmaalka sunta 'Sarin' ee waxyeelada u geysata habdhiska dareemaha. Weerarkaasi oo ka dhacay Quudha ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen boqolaal qof.

Madaxweyne Asad ayaa beeniyay eedeymahaasi waxa uuna weerarkaasi ku eedeeyay fallaagada basle waxa uu ogolaaday in uu burburiyo keydka hubkiisa kiimikada.

Inkastoo Asad uu ballanqaadkaasi sameeyay, haddana dowladdiisa waxaa mar kastaa lagu eedeeyaa isticmaalka hubkaasi.

Gudaha bariga Quudha, 12% carruurta da'dooda ay ka yartahay shan sano ayaa waxaa haysata nafaqadarro ba'an.

2. Beesha caalamka sidee ayay uga hadashay?

Qaramada Midoobey ayaa 24-kii Febraayo ee sannadkan waxa ay ansixisay xabbad joojin mudda bil ah oo la doonayay in laga dhaqangeliyo bariga Quudha haseyeeshe durbadiiba heshiiskaasi waa la buriyay.

Cadaadis caalami ah ayaa sababay in dowladda Ruushka oo ah xulufada ugu weyn ee dowladda Suuriya in ay ku dhawaaqdo 'xabbad joojin bani'aadanimo' balse duqeymaha ayaa halkoodi ka sii socda.

Qorshaha Ruushka ayaa dhigayay in maalintiiba muddo shan saac ah la hakiyo colaadda si dadka rayidka ahi ay uga baxaan goobaha colaadda isla markaana loo furo marin ay ku baxaan.

Tan iyo markii uu dhacay heshiiska iyo xitaa ka hor, gargaarkii ugu horreeyay ayaa gaaray dadka ku dhaqan bariga Quuda shanti bishan Maarson

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Tirada carruurta ay nafaqo darradu hayso ayaa sare u kacday

3. Doorka intee dhan ayuu Ruushka ku leeyahay colaadda?

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabbad joojinta iyo marin nabdoon oo dadka rayidka ahi ku baxsan karaan.

Arrintaasi waxay caddeyn u tahay in xukuumadda Moscow ay tahay midda go'aanka u gaarta xukuumadda Dimishiq.

Ruushka ayaa door muhiim ah ka cayaaray colaadda Suuriya, waxaana duqeymaha diyaaradaha Ruushka ay sababeen in mucaaradka laga taag roonaado iyo in ciidammada dowladda ay dib u qabsadaan dhul horey looga qabsaday.

4. Maxaa ka dhashay collaadda?

Colaadda ayaa sii xoogeysatay bishii Feebraayo ee sannadkan, waxaana taasi sabab u ah xukuumadda Dimishiq oo isku dayday in ay guud ahaan dib ula wareegto dhulka uu mucaaradka ka qabsaday.

Khubarada qaar ayaa rumeysan in uu soo afjarmayo kacdoonkii ka dhanka ahaa madaxweyne Al-Asad. Sidoo kale waxaa la xakameeyay kooxda la baxday dowladda Islaamka ee waddaamada Suuriya iyo Ciraaq balse wali gebi ahaanba lagama takhalusin.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xabbad joojinta waa la xurmayn waayay

Gudaha Suuriya waxaa sidoo kale ka soconaya dagaallo kale oo aysan si toos ah ugu lug lahayn ciidammada dowladda Suuriya.

Tusaale ahaan, gobolka Afrin ee woqooyi balbeed Suuriya ciidammada Turkiga ayaa waxa ay ka wadaan hawlgal milatari oo ka dhan ah kurdiyiinta oo uu taageero Mareykanka. Turkigu waxa uu ka walaacsan yahay in Kurdiyiinta ay awood ku yeeshaan xudduudda uu la wadaago dalka Suuriya, waxa uuna kooxda Kurdiga ee YPG ku tilmaamay argagixiso xiriir la leh kooxda ka dhisan gudaha Turkiga ee PKK.

Israa'iil ayaa Koonfur bari Suuriya dhawr jeer dagaal kula gashay ciidammo ay taageeraan Suuriya iyo Iiraan, arrintaa oo muujineysa in colaadda Suuriya ay isku hayaan quwadaha gobolka.

5. Colaadda ka hor sidee ayay ahayd xaaladda Suuriya?

Inta aysan billaabanin mudaaharaado rabshado watay oo ka dhan ahaa xukuumadda Bashaar Al Asad dad badan oo Suuriyaan ah waxay ka cabanayeen shaqo la'aan baahsan, musuqmaasuq ka jira adeegyada dawladda iyo in aysan dadku haysanin xoriyad siyaasadeed.

Bishii Maarso ee sannadkii 2011-kii da'yar darbiyada iskuulka koonfurta Deraa ku qortay hadallo dawladda ka dhan ah ayaa xabsiyada loo taxaabay, jirdilna kala kulmay laamaha ammaanka, waxaa arrintaas ku dhiirigaliyay kacdoonno waawayn oo ka dhacayay dalalka ay dariska yihiin

Dhacdadaas ayaana dhalisay mudaaharaadyo Suuriya oo dhan ka dhacay, kuwaas oo gacan bir ah kala kulmay xoogagga dawladda, waxaana ka mid ahaa rasaas lagu furay shacab, xaaladda ayaa cirka isku sii shareertay dad badan ayaana waddooyinka isugu soo baxay iyaga oo dalbanaya in madaxweyne Asad uu xilka banneeyo.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Colaadda Suuriya waxay billaabatay 2011 umana muuqato mid dhamaanaysa

6. Sidee ayay colaaddu ku billaabatay?

Caddaadiska awoodda loo adeegsanayo ee dibad baxayaasha ka dhanka ahaa ayaa taageereyaashaa mucaaradka ku qaaday in ay hubka qaataan bishii Luulyo ee 2011-kii.

Inkastoo uu madaxweynuhu ballan qaaday "in uu burburin doono wax uu ku shaanbadeeyay argagixiso ay maalgaliyaan shisheeye", haddana rabshadihii Suuriya ka dhacayay ayaa si isa sii tarayay.: jabhadihiina waxaa ku darsamay ciidammadii dawladda waxayna dagaal kala hor tageen dawladda iyaga oo magaalooyin iyo tuulooyin qabsaday.

Sannadkii 2012-kii dagaalku wuxuu gaaray magaalada Dimishiq iyo magaalada labaad ee Suuriya ugu muhiimsan ee Xalab.

Markaas dagaalku wuxuu isu badalay mid ka baxsan mucaarad iyo dawladd wuxuuna luga la galay madaahib u dagaalamaysa Sunni aqlabiyadda dalka ah iyo Shiico Calawiyiin ah oo laga tiro badan yahay balse xukunka gacanta ku haya.

Arrintaas ayaana horseeday in ay dalal kale faraha la galaan.

Bishii Juunyo ee sannadkii 2013kii warbixin ay Qaramada Midoobay diyaarisay ayaa dhimasha ku qiyaastay 90,000 oo ruux.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Magaalada Ximsi oo uu burbur ka muuqdo

7. Yaa ku dagaalamaya Suuriya?

Jabhadihii hubaysnaa ayaa si wayn isu baddalay iyadoo dagaalku uu sii socday, mucaaradkii qunyar socodka ahaana waxaa deegaano kala wareegay kooxo mayal adag oo jihaaddoon ah kuwaas oo ay ku jiraan kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka iyo Jabhadda Nusra oo Al Qaacidda lala xiriiriyay.

Dawladda Islaamka ama Daacish ayaana dagaalkii socday dagaal kale ka sii dhex billawday iyaga oo dagaal la galay kooxihii qunyar socodka ahaa iyo qaar ka tirsan Nusra . Si kastaba ha ahaatee wakhtiyadan dhul ahaan waa loo xakameeyay kooxdan, inkastoo ay wali gaystaan weerarro aan joogto ahayn.

Waxaa kale oo dagaalkan qayb ka ah dagaalameyaasha Kurdiyiinta kuwaas oo Maraykanku uu ku caawiyay hub iyo duqaymo xoojin ah oo uu ka gaystay waqooyiga Suuriya.

Sannadkii 2015-kii Ruushka ayaa billaabay hawlgal duqayn ah oo uu ku caawinayo xukuumadda Asad ka dib markii si wayn loo jabiyay. Waxaa intaas weheliyay ciidammo dhulka ah oo dhaqdhaqaaqa Xisbullah ka tirsanaa kuwaas oo taageero ka helay Iiraan, arrintaas ayaana u suurtagalisay in ay soo kabtaan.

Guushii u waynayd ee Ruushku uu fududeeyay waxay ahayd dib u hanashada magaalada Xalab taariikhdu markay ahayd bishii Disembar ee 2016kii - magaaladaas ayaa ahayd meel ay aad ugu xoog badnaayeen mucaaradku.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Bashar al-Assad iyo Vladimir Putin

8. Beesha caalamka sidee ayay ugu lug leedahay colaadda?

Markii uu Barack Obama hoggaaminayay Maraykanka tacaddiyadii dhacay badankood waxay ku eedeeyeen Asad wuxuuna dalbaday in uu xilka banneeyo arrintaas oo shuruud looga dhigay nabadda.

Arrintaas ayaase is badashay markii uu xilka la wareegay Donald Trump. Maamulkiisuna wuxuu diiradda saaray la dagaalanka kooxda Dawladda Islaamka isku magacawda.

Laakiin markii bishii Abriil ee 2017-kii uu dhacay weerarkii kiimikada ee lagu qaaday magaalada Khan Sheikhoun ee ay mucaaradku gacanta ku hayeen, madaxweyne Trump ayaa tallaabooyin adadag qaaday oo xataa wuxuu dalbaday weerarro lagu garab istaagayo mucaaradka dawladda la dagaalamaya.

Laakiin dalka saamaynta ugu badan ku leh waa Suuriya, wuxuuna taageero u muujiyay Assad si loo difaaco dahana dalkiisa maadaama uu Ruushku ku leeyahay saldhigyo ciidammada cirka ah iyo kuwo dhanka badda ahba.

Iiraan oo aqlabiyaddoodu Shiico tahay ayaa sidoo kale xulafo la ah Assad.

Suuriya ayaana ah marinka ay hubka u sii mariso malayshiyada Xisbullaah ee Lubnaan.

Xisbullaahna waxay soo dirtay kumannaan taageerayaasheeda ah si ay u xoojiyaan ciidammada dawladda Suuriya.

Waxaa lagu qiyaasaa in Iiraan ay balaayiin doolar ku bixisay taageerada ciidammada Asad.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dagaallamayaal Daacish ka tirsan oo ku sugan magaalada Raqa

Dhanka kalana Sacuudi Carabiya oo ah dal ay aad isugu hayaan Bariga Dhexe ayaa kaalmo milatari u diray jabhadaha oo ay ku jiraan kuwo mayal adag.

Inkastoo Turkigu uu taageeray qaar ka mid ah ciidammada Suuriya haddana Kurdiyiintu kuma jirin, taas baddalkeedana wuxuu go'aansaday in goobaha fariisimmada Kurdiyiinta uu bartilmaameedsado maadaama oo uu u arkayay in Kurdiyiinta Suuriya ay xulafo la ahaayeen PKK. Kurdiyiinta sida milatariga u tababaran ayaa Turkiga dagaal kula jira tobannaan sano.

9. Muxuu dagaalku u dabo dheeraado

Arrinta biyo kama dhibcaanka ah ayaa ah ku luglahaanshaha quwadaha shisheeye.

Taageerada milatari, midda maaliyadeed iyo midda siyaasaddeed ee dawladda ama mucaaradka la siiyo ayaa ka qayb qaata in ay sii socoto kana sii daro dagaalka Suuriya.

Khuburadu waxaa kale oo ay sheegaan in gacmaha shisheeyuhu ay sii huriyeen kala qaybsanaanta madaahiibta, intii uusan dagaalku jirinna dalkaasi wuxuu ahaa mid calmaani ah.

Kala qaybsanaanta Suniga iyo Calawiyiinta ayaa sii huriyay tacadiyad ay labada dhinacba gaysteen, dad oo kali ahna laguma laynin ee xataa bulshooyinkii ayaa la burburiyay, iyadoo ay sii naaqusayso rajadii laga qabay in xal nabadeed la gaaro.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Jabhaddaha qunyar socodka ah ayaa caawimaad ka helay reer Galbeedka

10. Saamayn intee la eg ayuu ilaa iyo hadda dagaalku reebau?

Ma tiro dhab ah oo la xaqiijin karo oo muujinaysa dadka ku dhintay, laakiin xarunta cilmi baarista Suuriya ee magaceeda loo soo gaabiyo SCOR ayaa qiyaastay in dadka dhibtay ay gaarayaan 470,000 taas oo ku dhaw qiimaynta Qaramada Midoobay ee sheegaysa in ay colaadda ku dhinteen 400,000.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ma jirto tiro rasmi ah oo ku saabsan dadka ku dhintay colaadda Suuriya

Qaramada Midoobay ayaa sidoo qiyaastay in 5 milyan oo ruux ay dalka ka qaxeen, ugu yaraan 12 milyan oo ruux oo ah kala bar dadkii dalka ku noolaana uu dagaalku barakiciyay.

Qulqulkaas qaxootiga ayaana ahaa midkii ugu waynaa ee wakhtiyadan dambe dhacay wuxuuna culays saaray dalalka sida Lubnaan Jordan iyo Turkiga iyo waliba dalal kale.

Ugu yaraan 10% qaxootigaas ka mid ah ayaa magangalyo waydiistay Yurub waxayna abuureen dood ballaaran oo ku saabsan masuuliyaddooda.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Saddex meeloodow meel dadka Suuriya waxay ku nool yihiin nolol ka hoosaysa xariijinta saboolnimada

Qaramada Midoobay waxay qiimaysay in ay daruuri tahay in gargaar banii'aadannimo la gaarsiiyo 13.5 milyan oo ruux oo Suuriyaan ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin 6 milyan oo carruur ah, arrintaasna ay u baahan tahay 3.2 bilyan oo doolar.

Hay'addu waxaa kale oo ay sheegtay in 70% dadka Suuriya aysan haysanin biyo la cabo saddexdii ruux ee Suuriyaan ahna uu midkood ku nool yahay meel ka hoosaysay xariijinta saboolnimada. Ugu yaraan labo milyan oo carruur ahna aysan iskuul dhiganin.

Xaaladdaha goobaha ay collaadu ka aloosan tahay ayaa aad u liidata, iyada oo kooxaha iska soo horjeeda ay diidan yihiin in ay hay'addaha gargaarku hawlahooda qabsadaan.

Mowduucyada la xiriira