Soorto kasoo dhacday diyaaradda Imaaraatka

. Lahaanshaha sawirka Getty Images

Haweenay ka mid ah shaqaalaha marti-soorka duulimaadyada oo ka tirsan shirkadda Duulimaad Emarates Airline ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa geeriyootay kadib markii ay kasoo dhacday diyaarad.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday garoonka Entebe ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo la sheegay in ay kasoo fakatay albaab furan oo diyaarada ah xili ay kici rabtay. Lama sheegin dalka ay u dhalatay gabadhan.

Isbitaal ayaa loola cararay, balse markiiba waa ay dhimatay.

Wakaaladda wararka AFP ayaa kasoo xigatay maamulka shirkadda Emarates Airline in xubin ka mid ah shaqaalahooda ay dhimatay.

Laanta duulista hawada sare ee Uganda ayaa sheegtay in ay baaritaan ku samayn doonto falka dhacay.

Mowduucyada la xiriira