Dooni ay saaraanaayeen dad muhaajiriin ah oo qallibmatay

Midowga Yurub oo sheegay in sanadkaan ay yaraadeen tahriibeyaasha Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Midowga Yurub oo sheegay in sanadkaan ay yaraadeen tahriibeyaasha

Ilaalada xeebaha ee dalka Giriigga ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 qof oo muhaajiriin ah oo ay ku jiraan afar caruur ah ay dhinteen kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku qarqantay badda u dhaxeeysa Turkiga iyo Greek-gga.

Waxaa la aaminsanayahay in doonida ay saarnaayeen dad kor u dhaafaya labaatan qof iyadoo dadkaa qaarna weli lala'yahay Waxaana socoda baadi goob loogu jiro dadkaasi.

Wasiirka socdaalka ee Giriigga Dimitris Vitsas, ayaa sheegay in dalka Greek-gga uusan raali ka ahayn kana noqon doonin in ay dadka ku dhamaadaan jasiiradda Aegean.

Sawirro laga qaaday soo galooti oo abaal marin lagu helay

QM: 250 qof ayaan ka cabsi qabnaa inay ku dhinteen xeebaha Liibiya

Waxaa uu intaa ku daray in xalka kaliya ee lagu xakameeyn muhaajiriinta uu yahay in la soo saaro taalabooyin laga qaado dadka wax tahriibiya kuwaas oo muhaajiriinta ka caawiya wadooyinka ay maraan.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Qariiradda badda u dhaxeysa Turkiga iyo Greek-gga

Midowga yurub ayaa sheegay in sanadkii hore ay aad u yaraayeen muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka tallaabo soohdimaha wadamada yurub tan iyo markii ay biloowdeen musiibada tahriibeyaasha afar sano ka hor.

Midoowga yurub ayaa heshiis la sixiiday 2016-kii taas oo sababtay in uu aad u yaraato tirade dadka u gudba Geek-gga.

Mowduucyada la xiriira