Masuul Faransiis ah oo si qarsoodi ah hub uga qaaday Qaza

Romain Franck Lahaanshaha sawirka SHIN BET

Muwaadin Faransiis ah oo shaqo laga siiyay qunsuliyadda Qudus ayaa maxkamad ka soo muuqday Isniintii isaga oo loo haysto in uu si qarsoodi ah hub uga gudbiyay Falastiiniyiinta.

Hay'adda Shin Bet oo ammaanka Israa'iil ka shaqaysa ayaa sheegtay in Romain Franck oo 23 jir ah la xiray bishii Feebaraayo.

Hay'addaasi ammaanku waxay sheegtay in uu adeegsaday gaari dublamaasi si aan loo qabanin marka uu hubka Qaza ka qaadayay ee gaynayay Daanta Galbeed.

Franck waxaa lagu eedeeyay in uu 70 biskooladood iyo labo qori gudbiyay. Wuxuuna ka mid yahay sagaal ruux oo laga shakisan yahay oo xabsiga loo taxaabay.

Shin Bet waxay sheegtay Franck uu arrintan u sameeyay si uu shaqsiyan lacag uga sameeyo.

Hay'addu waxay sheegtay in uu hubkaas ka helay Falastiini u shaqeeya xarunta dhaqanka Faransiiska ee Qaza ku taalla, uuna usii gudbiyay qof saddexaad oo Daanta Galbeed ku sugan. Shan safar ayuuna hawshaas ku gudbiyay.

"Arrintani waa middii ugu halis badnayd ee dhacda iyadoo lagu xadgudbayo xasaannadda iyo waxyaabaha kale ee lagu sharfay ajaaniibta dalalka kale matalaya ee Israa'iil jooga" ayay hay'addu ku tiri war qoraal ah oo ay arrintan ka soo saartay.

Afhayeen u hadlay safaaradda Faransiiska ee Tel Aviv ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay arrintani si dhab ah uga falcelinayaan ayna si hoose xiriir ula sameeyeen Israa'iil.

Israa'iil ayaa wakhti dheer isku dayaysay in ay ka hortagto hubka gaaraya malayshiyaadka Falastiiniyiinta ah.

Mowduucyada la xiriira