Xukuumada Turkiga oo sheegtay in ciidamadeeda ay kala baxayso Afrin

Magaalada Afrin ayaa waxaa ka qaxay dad badan oo rayid ah Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Magaalada Afrin ayaa waxaa ka qaxay dad badan oo rayid ah

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay kala baxayso magaalada ku taalla xadka Suuriya ee Afrin.

Ciidamada Turkiga ayaa magaaladan la wareegay iyaga oo kaashanaya xoogag ka tirsan mucaradka.

Rai'sul wasaara ku xigeenka Turkiga , Bekir Bozdag, ayaa telefishinka qaranka dalkaasi u sheegay in maadama magaaladaasi laga saaray dagaalyahanada Kurdiyiinta lana soo afjaray khatartii xuduuda Turkiga ay imika halkaasi isaga bixi doonaan.

Waxa uu sheegay in magaalada Afrin ay ku wareejin doonaan waxa uu ugu yeeray dadkii lahaa.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay wararka sheegaya tillaabada ciidamada Turkiga ay sababtay qaxa kumannaan rayid ah.

Dowladda Suuriya ayaa Turkiga ka dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo afjaraan qabsashada magaalada Afrin.

Saraakiisha Kurdiyiinta ayaa waxay sheegeen in dad ka badan 200,000 oo qof ay halkaasi ka barakaceen.

Mowduucyada la xiriira