Nicolas Sarkozy oo loo haysto lacago uu ka helay Qaddafi

Mr Sarkozy iyo Muammar Gaddafi Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mr Sarkozy iyo Muammar Gaddafi

Madaxweynihii hore ee Faransiika Nicolas Sarkozy ayaa la geeyay xarun boolis si suaalo looga weeydiyo eedeymo ah in uu ka helay lacago madaxweeynihii ugu dambeeyay ee liibiya Col Muammar Gaddafi lacagahaasi oo uu ku isticmaalay ololihiisii doorashada.

Booliska ayaa baaraya wax is daba marin looga shakinsanyahay lacagihii lagu isticmaalay ololaha doorashadii faransiiska ka dhacday 2007.

Mar hore ayay booliska su'aalo weeydiiyeen balse Mr Sarkozy ayaa iska fogeeyay in uu galay wax dambi ah.

Siyaasiyiinta xisbiga Midigta Fog ayaa ku guul darreystay in ay dib u hogaamiyaan wadanka.

Warar laga helay waaxda Cadaaladda ayaa sheegaya in Sarkozy su'aalaha lagu weeydiiyay degmo ku taalla galbeedka magaalada Pasris.

  1. Doorashada mucaaradka Fransiiska oo soo idlaatay
  2. Fransiiska oo albaabada isugu dhufanaya warshad Nukleyr
  3. Fransiiska oo ku baaqay in cunaqabateyn adag la saaro Venazuela

2013 faransiiska ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan eedeymahaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mid ka mid ah wasiirradii hore ee Mr Sarkozy oo lagu magaacbo Brice Hortefeux ay booliska su'aalo weeydiiyeen maalintii talaadada ahayd.

Eedeymahaan ku saabsan lacagaha uu Qaddafi bixiyay ayaa asalkooda ka yimid Ziad Takieddine oo ah Faransiis asalkiisu yahay Lubnaan iyo saraakiishii hore ee Qaddafi.

Mowduucyada la xiriira