Sida uu Soomaaliya uga sii dabar go'ayo geedka Quraca

Sida xad dhaafka ah ee loo jarayo quraca wuxuu halis galin karaa nolosha dadka iyo xoolaha Lahaanshaha sawirka Andy Hall/Oxfam
Image caption Sida xad dhaafka ah ee loo jarayo quraca wuxuu halis galin karaa nolosha dadka iyo xoolaha

Warbixin faahfaahsan oo ay soo saartay hay`adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha deegaanka ayaa lagu sheegay in ka ganacsiga dhuxusha ee Soomaaliya ay dabka u sii hurineyso dabar go`a geedka Quraca oo ah geed adag oo si qunyar ah u baxa, kaas oo sida warbixinta lagu sheegay muddo dheer laf dhabar u ahaa ganacsiga dhuxusha Soomaaliya ee malaayiinka dollar laga macaasho

Daraasadda oo ay samaysay hay'adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay waxa kaloo lagu sheegay in qiyaastii boqolkiiba shan sannadkii in ay gaadhayso tirada dhirta qudhaca ah ee laga gooyo Soomaaliya.

"Waxaana xaaladda xaalufka ah ee jirta uga sii daraya" ayay tidhi "iyada oo dhir kale oo la beeraa aysan jirin".

Geedka Quraca ah iyo dhirta kale ee abaaraha adkaysiga u leh ee xooluhu calafka ka helaan xilliyada abaaraha, ayaa la sheegayaa haddii ay dabar go'aan inay halis geli doonaan dadka ay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool.

Lahaanshaha sawirka UN Environment
Image caption Soomaliya kaliya kuma koobna dhirta dhuxusha laga dhigto. Ganacsiga dhuxusha ee Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga Koongo ayaa xaalufinaya kaynta Virunga.

Xaalufka deegaanka ee dhibta ba'an ku ah xoolaha iyo nolosha xoolo dhaqatada, waxa uga sii daraya sida ay Qaramada Midoobay sheegtay dawlad adag oo aan jirin iyo in dalku aanu lahayn xeerar dhaqangal ah oo lagu maareeyo degaanka iyo ilaalintiisaba.

Waxaanay ku baaqday in si qoto dheer loo qiimeeyo kartida hay'adaha dawladdu u leeyihiin wax ka qabashada xaalufka deegaanka.

Xasilooni darrada siyaasadeed ee jirta awgeed iyo kooxaha maleeshiyaadka ah ee ka ganacsada dhuxusha ayaa iyagana lagu sheegay in ay xawli dheeraad ah geliyeen xaalufinta dhirta ee Soomaaliya, in kasta oo taas qudheedhu meelaha qaar hoos u dhacday.

Waxaase warbixintu ay intaa ku dartay in Soomaaliya ay haysato fursad ay ku tiirsanaanta shidashada dhuxusha ku yarayn karto oo ay tamar kaga heli karto dabaysha, qorraxda iyo gaaska dabiiciga ah.

Mowduucyada la xiriira