Buhari oo la kulmay gabdhihii Dapchi

Dapchi Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Gabdhaha ayaa diyaarad milatari loogu duuliyay Abuja

Boqol iyo lix gabdho ciyaal-iskuul ahaa iyo wiil ay afduubteen kooxda Boko Haram ayaa loo geeyay madaxweyne Muhammadu Buhari.

Waxay ka mid ahaayeen 105 gabdhood oo laga afduubtay Dapchi iyo labo dugsi hoose dhiganayay oo meel kale lagu afduubtay.

Dhammaantood jir ahaan way caafimaad qabaan, marka laga reebo afar la sheegay inay lugaha ka jabeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gabdhahan si shuruud la`aan ah loo soo daayay.

Wuxuu xusay in maamulkiisa uu sameyn doono wax walba oo suurtogal ah si uu u hubiyo sii deynta dhammaan dadka lagu afduubtay dalkaasi, isagoo ugu baaqay Chibok ee weli afduubka loo haysto inaysan lumin rajada.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Gabdhaha ayaa laga afduubtay iskuul ku yaalla Dapchi, oo ka tirsan gobolka Yobe, bishii February

Wuxuu ka codsaday gabdhaha la soo badbaadiyay inay magaaladooda maraan oo aysan ka baqin in dhibaatooyin loo geysto.

Madaxweyne Buhari ayaa ku amray hay`adaha ammaanka inay hubiyaan ammaanka dhammaan iskuullada u nugul weerarrada noocaas oo kale ah, isagoo ka digay inaan la fududeysan doonin haddii dhacdooyinkan oo kale ay soo laabtaan.

Gabdhaha ayaa la filayaa in la talin dheeraad ah loo sameeyo kahor inta aan lagu wareejin waaliddiintooda.