Dowladda Congo: Qaramada Midoobay "Sawir qaldan ayay ka bixinaysaa Congo".

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay13 milyan ay gargaar u baahan yihiin Congo Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaramada Midoobay ayaa sheegtay13 milyan ay gargaar u baahan yihiin Congo

Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegtay in aysan ka qaybgali doonin shirk deeq bixiyayaasha oo ka dhacaya magaaalada Geneva.

Xukuumadda Congo ayaa cabasho ka muujisay in dalkeeda "Sawir xun laga bixiyay".

Kulankani oo lagu wado in bisha soo socta uu qabsoomo ayaa waxa la qorshaynayaa in lagu uruuriyo lacag ku dhaw $1.7 bilyan.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamtay xaaladda dalka Congo musiibo bina'aadanimo.

Sii hayaha xilka rai'sul wasaaraha Congo Jose Makila ayaa qiray in dalka uu wajahayo xaalad adag, balse jawaabta ay Qaramada Midoobay ka bixisay ay tahay mid niyad jabinaysa maalgashadayaasha.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad ka badan 13 milyan oo reer Congo ah ay u baahan yihiin gargaar bina'aadanimo.

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa qani ku ah Macdanta iyo khayraad kale, balse waxaa dalkaasi ragaadiyay dagaalo,musuqmaasuq iyo xasarado siyaasadeed.

  1. Heshiis laga gaaray siyaasada Dalka Congo
  2. Cudurka Daacuunka oo fara ba'an ku haya dalka Congo
  3. Qaramada midoobe oo sheegtay in dad badan ay ka qaxayaan dalka Congo

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhibaatadda bina'aadanimo ee ka jirta Congo ay gaartay heerka sadaxaad oo heerka ugu sareeeya ee xaalad bina'aadanimo la gaarsiiyo.

Waxa ay Qaramada Midoobay qabanqaabisay kulan heer sare ah oo looga hadlayo xaaladda bina'aadanimo ee Jamhuuriyada. Dimuqraadiga ee Congo kaasi oo 13 bisha April ka dhici doona magaaladda Geneva.

"Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo way diiday in ay ak qaybgasho shirka Geneva ," ayuu yiri.

Balse Mr Makila ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobay in ay xaaladda ka badbadinayso islamarkana hay'adaha gargaarka "ay sawir qaldan caalamka ka siinayaan Congo ".

Mowduucyada la xiriira