Saraakiil ka kala socota labada Kuuriya oo mar kale kulmaya

Kim Jong-un oo la kumaya ergada Kuuriyada Koonfureed Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kim Jong-un oo la kumaya ergada Kuuriyada Koonfureed

Kuuriyada Waqooyi ayaa aqbashay in ay kulan heer sare ah ay la qaadato ergo ka socota Kuuriyada Koonfureed toddobaadka soo socda.

Xukuumadaha Seoul iyo Pyongyang ayaa min saddex saraakiil sarsare u diri doona tuuladda xadka ku taalla ee Panmunjom.

Kulankani ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo 29 bisha March kaasi oo ah wadaxaajood wadada loogu xaarayo shirwayne la qorshaynayo in uu dhaco bisha April ee soo socota.

Arrintan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa iyada oo bisha May ee soo socota lagu wado in uu kulan dhexmaro madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Wali lama sheegin goobta uu ka dhici doono kulanka lagu wado in uu dhexmro madaxwaynaha Mareykanka iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Labada Kuuriya ayaa isu soo dhawaanayay tan iyo wixii ka dambeeyay ciyaarihii Olambikada ee lagu qabtay dalka Kuuriyada Koonfureed.

Ergo ka socotay Kuuriyada Koonfureed ayaa markii ugu horreysay muddo sanado ah waxa ay booqdeen horraantii bishan Pyongyang iyaga oo ka kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Mowduucyada la xiriira