Diyaaradii ugu horeesay ee si toos ah isaga kala gooshta Australia iyo Yurub

. Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Diyaaradii ugu horeesay ee isaga kala gooshta Australia iyo Yurub oo soo caga dhigatay London

Diyaaradii ugu horeesay ee toos ah isaga kala gooshta dalka Australia iyo qaaradda Yurub ayaa soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Heathrow ee magaalada London.

Diyaaradan oo sumadeedu tahay Qantas QF9 ayaa ka soo ambabaxday magaalada Perth ee dalka Australia, waxaana ay kusoo safartay masaafa dhan 14,498 oo kilomitir iyadoo na qaadatay 17 saacadood.

Qorshahan oo ah mid in mudo ah ay ku hamineesay shirakada diyaaradaha ee Qantas ayaa waxaa ay safarkan oo ah mid aan horay u dhicin u adeegsatay diyaarada Boeing 787-9 oo kamid ah diyaaradaha ugu casrisan caalamka.

Lahaanshaha sawirka QANTAS
Image caption Diyaaradii ugu horeesay ee isaga kala gooshta Australia iyo Yurub oo soo caga dhigatay London

Madaxa shirkada Qantas Alan Joyc ayaa safarkan ku tilmaamay mid wax lagaga badelayo qaabkii ay ugu safri jireen Australia ilaa iyo Yurub, waxaana uu sidoo kale sheegay in duullimaadyada isaga kala goosha Australia iyo Yurub ay markii horee qaadan jireen afar maalmood, iyadoo na diyaaradu kusii hakan jirtay toddobo meelood.

Lahaanshaha sawirka QANTAS
Image caption Diyaaradii ugu horeesay ee isaga kala gooshta Australia iyo Yurub oo soo caga dhigatay London

Safarada noocan oo kale ayaa la sheegay in boqol sano kahor ay qaadan jireen muddo saddex isbuuc ah.

Guddomiyaha gobol ku yaala galbeedka Australia oo ka hadlay arrintani ayaa tilmaamay in tallaabadani ay sare u qaadi doonto dadka dalxiisayaasha ee yimaada dalka Australia.

Safarkan o ah mid taariikhi ah ayaa waxaa diyaaradda sarnaa dad gaaraya 200 oo qof iyo 16 shaqaalaha diyaarada.

Hasayeshee maamulka diyaarada ayaa si dadka saaran diyaarada aysan ugu cajisin safarkan dheer waxaa ay diyaarada ku rakibeen qalab yareynaya in dadka aysan maqlin guuxa diyaaradda. Safarkan dheer ayaa ah midka labaad ee ugu dheer caalamka.

Mowduucyada la xiriira