Dad lagu tilmaamay "burcad" oo lagu laayay Brazil

. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dad lagu tilmaamay "burcad" oo lagu laayay Brazil

Mas'uuliyiinta magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil ayaa waxaa ay shegeen in dalkaasi lagu dilay dad gaaraya sidee ruux, kadib markii laamaha ammaanka ay howgal ka fuliyeen gobolka Shanty.

Booliska sida milateriga u tababaran ayaa kormeerayay laba deegaanka Rocinha, kahor inta aanay rasaas isweydarsanin dad ay ku tilmaameen buracd.

Ehelada dadka lagu dilay weerarka ayaa warbaahinta maxaliga ee dalka Brazil u sheegay in dadka la dilay aysan wax xiriir ah la laheyn qolyaha ka ganacsada daroogada, hasayeshee boolisku waxaa ay shegayaan inay gacanta ku dhigeen hub ay wateen dadka la dilay.

Mowduucyada la xiriira