Israel oo sheegtay inay burburisay saldhig ay leeyihiin Xamas

.
Image caption Israel oo sheegtay inay burburisay saldhig ay leeyihiin Xamas

Milateriga dalka Israel ayaa waxaa ay shegeen in diyaaradahooda dagaalka ay xalay weerareen saldhig ay leeyihiin ururka Hamas ee ka dagaalama marinka Ghaza.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarad gashandhiga ee Israel ayaa lagu sheegay in ciidammada cirka ee Israel ay bartilmaamedsadeen wax ay ugu yereen xero ay leeyihiin argagixisada oo ku taala Rafah.

Israel waxa kale oo ay sheegtay in tallaabadan milateri ee ay qaadeen ay ka dambeesay, kadib markii afar qof oo Falastiini ah ay isku dayeen inay ka soo tallaabaan xadka Gaza iyo Israel, kuwaasi oo rasaas ooda uga qaaday injineero hagaajiya baabuurta.

Ilaa iyo hadda majirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka ururka Hamas oo dagaal kula jira dowladda Israel.

Mowduucyada la xiriira