Maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay in ay ka go'an tahay inuu gobolkaasi ka saaro ururka Al-Shabaab
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay in ay ka go'an tahay inuu gobolkaasi ka saaro Shabaab

Maamulka gobolka Hiiraan ee waddanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu guulo ka soo hooyay howlgal ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Howlgalkan oo galay maalintiisii saddexaad ayuu maamulka gobolkaasi ku sheegay inuu kula wareegay tuulooyin badan oo markii hore ay xarakadu ka talinaysay.

Ururka Al-Shabaab ayaa jid gooyooyin ku leh deegaanno badan oo ku yaal gobolkaasi iyadoo mararka qaarna ay jaraan waddooyinka isku xira magaalooyinka waa weyn ee bartamaha Soomaaliya, taas oo uu maamulka gobolka Hiiraan sheegay inuu doonayo inuu soo afjaro.

Haddaba si aannu wax badan uga ogaanno howlgalkan ayaa waxaannu la xiriirnay gudoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay waxa uu yahay howlgalka ay wadaan?