Putin: dabka Ruushka dayacaad kama marnayn

Caro iyo qaadansho waa ayaa jira Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Caro iyo qaadansho waa ayaa jira

Dabka kacay Ruushka ee ay ku dhinteen 64ta ruux ee badankood carruurta ahaa waxaa sababay "dayacaad dambiilenimo ah" sida uu sheegay madaxweyne Vladimir Putin.

Madaxweynaha ayaa booqday goobta uu shilku ka dhacay ee ku taalla magaalada Kemerovo ee dalka Ruushka.

Baareyaashu waxay sheegeen in ay dansanaayeen gambaleelada dabka sheega, marinadiina ay xirnaayeen marka uu dabku billawday Axaddii.

Wakaaladda wararka ee Interfax ayaa sheegtay in ilaa 300 oo ruux ay isugu tageen xarunta maamulka magaalada ayna dalbadeen in shaqaalaha la eryo.

Wali lama oga waxa sababay dabkaas, laakiin waaxda baaritaannadu waxay sheegtay in "gaf wayn laga gaystay " suuqa laga dukaamaysto ee Winter Cherry.

"Maxaa halkan ka dhacay" ayuu yiri madaxweynaha Ruushka oo ubaxyo dhigaya goobtii uu dhibku ka dhacay. Tani ma aha wax dagaal ka dhashay, ama qarax miino.

"Carruur iyo dhallaan ayaa halkan u yimid in ay ku nastaan, maxaan dadkaas oo dhan ku waynay, sababtu waa burcad dayacaad samaysay". ayuu madaxweynhu hadalka ku sii daray.

Mowduucyada la xiriira