Xildhibaanad lagu dilay Muqdisho

Waxaa la aaminsan yahay in dilka xildhibaanadda uu ahaa mid qorshaysan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Waxaa la aaminsan yahay in dilka xildhibaanadda uu ahaa mid qorshaysan

Xildhibaanad Ruqiyo Abshir oo ka mid ahayd baarlamaanka maamul goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa caawa 8dii fiidnimo waxay dabley ku dileen degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Geerida xildhibaannadda waxaa BBC u xaqiijiyey wasiirka warfaafinta ee maamulka Koofur galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

"Ruqiyo waxaa meel u dhow gurigeeda oo ku yaalla degmada Shibis ku dilay rag bastoolado ku hubaysan, ka dibna way baxsadeen" ayuu yiri wasiirku.

Xildhibaannadda ayaa ahayd qof siyaasadda ku cusub, wuxuuna dilkeeda u muuqdaa inuu yahay mid qorshaysan.

Ma jirto ilaa hadda cid loo qabtay dilka xildhibaanad Ruqiyo Abshir oo isla goobta ku naf baxday.

Mowduucyada la xiriira