Turkiga oo ku hanjabay in ay weerari doonaan magaaladda Manbij

Magaalada Manbij waxaa ku yaalla saldhig ay Mareykanka leeyihiin Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Magaalada Manbij waxaa ku yaalla saldhig ay Mareykanka leeyihiin

Dowladda Turkiga ayaa soo saartay digniin cusub oo ay u jeedisay dagaalyahanada Kurdiyiinta ee ay taageerto dowladda Mareykanka ee ku sugan magaaladda Manbij.

Golaha ammaanka qaranka Turkiga ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in xukuumadda Ankara ay tillaabo qaadi doonto haddii dagaalyahanada YPG aysan halkaasi isaga bixin.

Ciidamada Turkiga oo gacan ka helaya maleeshiyaad ayaa horey u qabsaday magaalada Afrin oo ku taalla galbeedka magaaladda Manbij taasi oo ay horey gacanta ugu hayeen xoogagga Kurdiyinta YPG.

Dowladda Turkiga ayaa in muddo ah ku hanjabaysay in ciidamadeeda ay u dhaqaaqi doonaan dhanka magaalada Manbij.

Magaaladan Manbij ayaa waxaa saldhig ku leh ciidamada Mareykanka, waxaana walaac laga muujinayay in ay isku dhacaan ciidamada Mareykanka iyo kuwa Turkiga oo ah laba dal oo NATO ka wada tirsan.

Mowduucyada la xiriira