Ciidan Faransiis ah oo ka badbaaday gaari jiiri lahaa

Image caption Varces-Allières-et-Risset waa halka uu weerarku ka dhacay

Darawalka gaariga ayaa baxsaday, ka dib markii uu isku dayey inuu gaariga jiirsiiyo koox askar ah oo rucle-orod ku samaynayey meel aan ka fogeyn xero ay ku leeyihiin koofurta bari ee Faransiiska.

Askarta oo ka tirsan qaybta 93aad ee madaafiicda buuraha ayaa waxaa u suurto gashay inay ka badbaadaan gaariga oo toos u soo abbaaray, deegaanka Varces-Allières-et-Risset, oo u dhow Grenoble.

Booliska ayaa baadi goobaya ninka oo gaariga ku baxsaday. Wararku waxay sheegayaan in gaariga uu noociisu ahaa Peugeot 208.

Boolisku weli ma aysan ogaan sababta.

Radouane Lakdim ayaa wuxuu ahaa ninkii weerar uu qaaday ku bilaabay sarkaal rucle-orod samaynayey oo uu toogasho ku dilay, isagoo mid kalena dhaawacay.

Arbacadii ayaa xus waxaa Paris loogu sameeyey Gaashaanle dhexe Arnaud Beltrame, oo ahaa sarkaal boolis ah, kaasoo isku beddelay qof la hayste ahaa.

Isaga iyo seddex qof oo kale ayaa Khamiista la aasayaa. Ninka dilka gaystay oo ahaa 25 jir la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Dawladda Islaamiga ayaa waxaa toogasho ku dilay booliska.

Sarkaal afhayeen u ah milateriga Faransiiska, gaashaanle sare Benoît Brulon ayaa xaqiijiyey weerarka Khamiista dhacay, wuxuuna sheegay in ninka weerarka qaaday uu afkana ka weeraray askarta, ka hor intii uusan u gudbin kooxda labaad.

Hase yeeshee askarta ayaa waxaa u suurto gashay inay ka weecdaan gaariga, kaasoo hore u sii cararay.

Ciidanka Jendaarmeriiga ayaa goobta xiray, waxayna billaabeen inay ninkii gaariga kaxayanayey baadigoobaan, halka ay milateriguna adkeeyeen amniga xeryaha.

Mowduucyada la xiriira