Todoba qof ayaa lagu dilay mudaharaadka ka socda xadka Qasa, Israel

Ciidamada Israel oo difaac ku jira Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Israel oo difaac ku jira

Falastiiniyiinta Qasa ayaa iyagoo kumanaan qof ah socod bannaan bax ah ugu dhaqaaqay xadka Israel oo ay ku bilaabayaan mudaharaaddo lix todobaad socon doona.

Wasaaradda caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in ugu yaraan todoba qof lagu dilay rasaas ay ku fureen ciidamada Israel 350 kalena ku dhaawacmeen.

Milatariga Israel-na waxa uu ku waramay in "rabshado" ka socdaan lix goobood waxaanu sheegay in ay "rasaas ku rideen kuwa rabshadaha horseedka u ah".

Falastiiniyiintu waxay iskugu uruureen oo fadhiisimo ka dhigteen shan goobood oo xadka u dhaw oo ay ka mudaharaadayaan, waxaanay hal ku dheg uga dhigeen bannaan baxooda Socod Wadareedkii Ku Noqoshada [dhulka].

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Falastiiniyiinta mudahaaradaya

Waxay bannaan baxoogan ku doonayaan in loo ogolaado qaxootiga Falastiiniyiinta ahi in ay ku noqdaan dhulkoodii ay ka qaxeen oo haatan ah dhulka Israel.

Ciidanka Israel wuxu sheegay in 17,000 oo Falastiiniyiin ahi iskugu soo baxeen shan goobood oo gidaarka xadka laga dhisay agtiisa ah.

Mowduucyada la xiriira